Entry: maqaalo cusub Jan 16, 2004



 

”Ma taqaan Cabdiqaasim”


Maqaalkii dhawaan la faafiyey ee uu magaciisu ahaa ”Ma taqaan Cabdiqaasim” wuxuu soo kordhiyey labo arrimood oo ay qof kasta dani ugu jirto, waana labada erey ee uu qoraalkaani ka bilawday iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin.

 

Akhrisyelaal aad u badan baa waxay sheegeen in ay taariikhdaas ku farxeen iyo in ay ka faa’iidaysteen. Sida ay dadka maqaalkaas wax ka qoray badankoodu sheegeen waxaa lagu farxay in si xalladdaysan loo soo tebiyey dhacdooyin aysan dad badani ogayn ee taariikh ah, kuwaas oo yaab iyo baraarug ku abuuray soomaali badan oo aan hore u ogayn.

 

Waxaynu soo qaadanaynaa qaar ka mid ah akhristeyaashu qoraallo ay internetka ku faafiyeen iyo qoraallo badan oo aniga gaar ahaan la iigu soo diray. Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan soo wada gudbin karin dhammaan qoraalladii badnaa ee iiga yimid akhristeyaasha taariikhdaas ka soo hadlay.

 

Dadka qaarkood waxay soo qoreen waxyaalo xoojinaya baaritaankii hore, oo isugu jira ayidaad ay sameeyeen dad ka shaqayn jirey hay’adihii uu Cabdiqaasim joogey iyo taariikho kale oo ay soo kordhiyeen dad xog’ogaallo ahi.

 

Dadka aan qoraalladooda xusi doono u aan eegi mayo in ay aniga i maageen iyo in ay i taageereen, waayo in dadka aragtiyohooda inta ku taageersan la jeclaado inta kalena la qariyaa waa dabeecadaha dadka aan kartida fiican lahayn, waana dabeecaddii ay kacaankii ku hoogeen. Waxaynu ku bilaabaynaa akhriste ka mid ahaa madaxdii wasaarad uu Cabdiqaasim wasiir ka ahaa, oo soo qoray sidaan:

 

”Waxaa igu soo noqday caabuqii nabar waa hore igu dhacay markaan akhriyay ”Ma taqaan Cabdiqaasim?” Waxaan shaqaale ka ahaan jirey ”Wasaarada arrimaha gudaha” markii Cabdiqaasim loo soo baddalay. Waxaan ahaa dadkii ugu horeeyay ee shaqo ka bilaabay halkaas. Markii uu yimid C/Qaasim ayuu waxuu bilaabay kala shaandheyn uu ku sameeyay shaqaalihii, laakiin anigu waxaan ka mid ahaa qofqof aan ahayn beeshiisa ee ku haray, laakiin maxaan ugu haray? Waxaan ahaa nin shaqada garanayey, marka waxuu rabay in aan u tababaro ciiyaalkii aan xataa af soomaaliga qori karin ee uu halaas ku soo aruuriyey. Tabarkii aan u furi lahaa ciyaalkaas isaga ayaa isu qoonsaday ka dib markii uu igu eedeeyay in aan ahay "mahbar"! Waxuu iga fidiyay in aan jiritaanka qaranka halis ku ahay, oo markaas la iga cayriyo wasaarada. Waxaan u tagay Yaasin Nuur Godane isna uu mid Bangiga ganacsiga madax ka ahaa ka soo cayrshay shaqadii. waxuu Yaasin igu yiri: ’Adeer meelo kale u shaqo tag’ Waxii maalintaas ka danbeyay waxaan aniga iyo Yaasin Nuur Godane shaqo la'aan la fariisan jirnay makhaad ku dhawayd gurigii Warsame Indhoolle. Inan reer Hargeysa ahaa oo wasaaraddii Cabdiqaasim ku haray, ayaa waa danbe igu yiri: ”Dee Naasirow maxaad u eedin Cabdiqaasim adeer Siyaad ayaa idin ku diraye?”.

 

Markii uu akhristehaani yiri: ”Wuxuu wasaaradda Cabdiqaasim ka soo buuxiyey dad aan xataa farta afkooda qori karin” waxaa igu soo dhacday laanta afka soomaaliga ee BBC, oo sanaddadii danbe laga buuxiyey dad aan hadli aqoon.

 

Dadka cusub oo sannadihii gadaale laantaas laga shaqaaleeyey waxaan ula yaabaa sida uu Naasir ula yaabay dadkii uu Cabdiqaasim wasaaradda ku kharribay oo aan waxba garanayn. Waxaa waddamo badan BBC wararka uga soo tebiya wiilaal iyo gabdho uusan qof xishoonayaa dhegaysan karin sida aysan ugu qalmin in ay warramaan darteen, waxaase ka sii daran kuwo ”Bush House” la fariisiyey oo aan kala garanayn farqiga u dhexeeya ”weriyeheenna” iyo ”weriyahayaga” ama ”cinwaankeenna” iyo ”Cinwaankayaga”. Kuwaasi laba erey iskuma ay toosin karaan marka ay hadlayaan, oo kacaakuf bay u hadlaan, haddana jumlad keli ah oo sax ah in afkooda laga maqlaa waa ay yar tahay!

 

Akhriste kale oo jaamacadda in uu joogi jirey sheegay ayaa wuxuu xaqiijiyey in ay jaamacadda ka jireen arrimhii aynu ku taataabannay maqaalkaas taariikhda ahaa, wuxuuna qoray sidaan:

 

”Qeybta dambe ee arrimaha aad Cabdiqaasim ku tilmaantay wax baa ka jiray, waayo jaamacadda ayaan joogay, ha yeshee ma ficneyn in aad ka hadasho qeybtiisi waxbarashada ee Russia iyo howlihiisii u gaarka ahaa, sida hoteelka iyo dumarka. Cabdiqaasim waxaa markii ugu horreysay loo magacaabay Wasiirka Warshadaha sanadkii 1973 ee wasiirka warfaafinta ma aheyn. Tan kale Mohamud Geele waad ku fogaatay. Fadlan, iska ilaali in aadan qorin arrimaha personalka ah, waa haddii aad tahay nin aqoon leh. mahadsanid, nabadiino”

 

”Persolnal” wuxuu akhristuhu uga jeedaa shakhsiyan, oo uu malaha ula dan leeyahay in aan markii taariikh la qorayo dadka la magacaabin. Haddaba waxaa isweydiin leh ”Taariikhdu ma ay ka hadashaa wax aan shakhsiyaad ahayn?”.

 

Taariikhdu waa in shakhsiyaad laga sheekeeyo, oo wax kasta oo ay sameeyeen la soo tebiyo. Qof dhintay, qof nool, mid xun iyo mid san intaba taariikhdu ma ay qariso, oo mid kastaa sidii uu ahaa in loo sheego ayaa habboon, waana sidii aan anigu xoogaa uga taabtay taariikhda Cabdiqaasim.

 

Haddii aad asaxaabtii nebiga SCW siiradoodii akhridid waxaad ku arkaysaa Xijaaj Yuusuf oo ahaa nin mujrim ahi in uu laayey qaar asaxaabtii ka mid ah! Haddii aad casrigaan dalka Maraykanka eegtid waxaad arkaysaa in ay niman madax ahi xaaraan ugu galmoodeen gabdho xafiisyadooda ka shaqayn jirey, oo aan laga aammusin ee sinadii ay galeen lagu facsharay.

 

Marka ma jabhadaha soomaalida iyo kacaankii burcadda ahaa oo dadka kawaanayey bay taariikhdu qarin kartaa?! Boowe taariikhda lama qarinaayo ee waa la sheegaayaa!

 

Shirka hadda Nayroobi ka socda ayuu akhriste kale wuxuu ka soo diray qoraal uu madaxda shirka kaga hadlayey, oo sidaan ahaa:

 

”Waxaan aqriyey qoraal dheer oo aad ku qortay Burtinle.com, aadna waxa uga sheegaysay Madaxweynaha DKMG ah Mudane C/qassim Salaad Hassan. Saaxiib waxaan u gartay qoraalkaaga in aad isku deyeysid in aad qoraal ku horjoogsato hamiga siyaasadeed ee Dr. C/qassim salaad Hassan. Saaxiib sideedaba dadku labo ayey u qaybsamaan 1. wax garad 2. wax ma garad! Wax garad markiiba wuu garan karaa ujeedada qoraalkaaga wax ka soo qaadna ma yeelanayo, illeyn waxaad tahay nin dan watee. Wax ma garadna dan kama lihin siduu rabo wax ha u fahmo. Adiga waxaan kugula talinayaa in aad ka waan towdo af lagaadeynta dadka madaxda ah, ogowna madax la caayaa waxay leedahay madax la caayo, berri mid aad taageersan tahay ayaa wax laga sheegi doonaa waadna dhibsan doonaa, hadhow isku qanci in aad adigu bilowday barnaamijkaas. Teeda kale haddii cid wax laga sheegayo sidaa wax looma sheego, qof aan ceeb lahaynina ma jiro. Bal adiga yaa ku ogaada. Kuwo madaxweynenimo isku sharaxaya oo Cabdiqaasim ka dhallinyar oo haddana Nairobi ”sex” ku daawanaya annagaa aragnay oo weliba ku qarxinay oo ku niri war ma sidaan baad madax noogu noqon doontaan. Meeshaan shir ku sheeggu ka socdo waad la socotaa waxa isugu yimid in ay meesha subixiina isku caayaan galabtiina ay jaad u fariistaan habeenkiina ay hotelada waaweyn ka tuntaan waxna kama aadan sheegin maxaa marka ku tusay C/qassim? Waxaan hubaa in haddii koobka xumaanta loo dhigo rag isku haya jabhadaha Soomaaliya la helayo wiilal 2,000 oo jeer ku soo wareegaya Dr. C/qassim Salaad Hassan. Walaal Sidii aragti gaab ha u hadline nin aragti fog iska dhig. Mahadsanid, Abdirahman Ali, Nairobi, Kenya”.

 

Waxaa la moodaa in uu Cabdiraxmaan ka xun yahay in ay ummadda soomaalyeed madax isaga dhigaan dad xumaan iyo fawaaxish ku dhiirrada, oo aan akhlaaqda islaamka ku suubbanayn, laakiin akhristuhu wuxuu igaga gardaran yahay in uu igu eedeeyey in aanan qorin dhammaan taariikhaha nolosha ee qabqableyaasha soomaalida.

 

Horta qabqableyaasha qabyaaladdu aad bay u badan yihiin oo taariikhdooda lama soo koobi karo. Xataa Cabdiqaasim in yar baan ka sheegay taariikhdiisa, oo kama aan gaarin in aan dhammaystiro ama aan sii dabagalo, waayo maqaal yar baan ka qoray ee buug aan wakhti badan geliyey kama aan samayn.

 

Haddii la isla garto waa la soo uruurin karaa dhammaan taariikhda Cabdiqaasim, si qabqableyaasha kalena midba midka uu ka shakhsiyad iyo dadnimo xun yahay loogu hormaro, oo ay ummaddu u farxaan, una faa’iidaan.

 

In dadka qabqableeya taariikhdooda dhabta la baaro oo ummadda loo soo gudbiyaa waa arrin fiican, laakiin keligay kama aan shaqayn karo, oo waxaa loo baahan yahay ikhyaar soomaali ah oo qabyaaladda ka hufan, kuwaas oo si anshaxan oo aan eex ahayn u baara ninmanka shacabka soomaaliyeed isku soo diray, welina isku dira, oo uu Cabdiqaasim ka mid yahay.

 

Horta markii qabqable wax laga qorayo waxaa lamahuraan ah in aan la masabbidin ee dabeecadihiisa dhabta ah iyo falalkii uu soo sameeyey si bareer ah loo soo gudbiyo. Qofka madaxda sheegtaa la uu mid ma aha ruux caadi ah oo aan farogashan arrimaha guud ee ummadda.

 

Haddii uu qofku sheeganayo ama uu soo maray masuuliyad waxaa muhiih ah in ay dadku yaqaanniin shakhsiyaddiisa iyo damacyadiisa. ”Nin xilqaaday eed qaad” waxaa looga jeedaa in markii uu qofku xil jabhadeed ama skirkadeed sheegto ay furan tahay in la eedeeyo oo loo fiirsado dhaqdhaqaaqiisa iyo taariikhdiisa.

 

Haddii aan qabqableyaasha taariikhdooda la eegin waxaa dhacaysa in ay dad masaakiin ahi ku kedsoomaan nin weligiis dabaalanayey macsi iyo hanti xaaraan ah, oo ay qabyaaladi asaaggiis ka reebtay. Waxay dadka masaakiinta ah marmar ku hadaaqaan ”Hebel waa wadaad”, mana ay oga in uu yahay qofkii malaha ugu shakhsiyad liidey gebi ahaanba dadka soomaalida la isku yiraahdo.

 

Rabbi ducada kama uu aqbalo qofka xaaraanta cuna, oo macsida iyo balwadda ku maba. Haddaba sidee bay dadku u aammini karaan oo u aqbali karaan ruux ay taariikhdiisu dhxul ka madaw dahay, oo cudur qabiil maskaxdiisa gudcur dam ah ka dhigtay?!

 

Waxaa aad u fiican in qabqableyaasha si run ah loo baaro, oo aan la iska ammaanin, la iskana caayin. Waxaa marmar dhacda in ay dad dhallinyaro ahi qabqable si gaar ah u necbaadaan, dabadeedna ay maalin kasta iska caayaan, oo aysan waxba baarin ee ay iska qoraan hadallo ay nacaydkooda ku muujinayaan, oo aan waxba laga faa’iidayn.

 

Haddaba waa in ay taariikhdu soo kordhiso farxad iyo faa’iido. Haddii kale waxay dadku ogaanayaan in uu qofka qorayaa caaq yahay, oo uu nacayb keli ah ka duulayo ee uusan taariikh iyo dhalliilo xaqiiq ah hayn. Qofka miskiinka ah oo qof iska neceb ama ay dad kale maskaxda ka kiraystaan oo aan taariikhda iyo eedaha si hufan oo run ah u sheegini waxba uma uu geesan karo qofka uu ka hadlayo, ee wuxuu calaamad u noqonayaa in qofka uu sheegayo laga gardaran yahay, oo asaga ayuu sii caawinayaa.

 

Haddaba inta aan la bilaabin in qabqable wax laga qoro waa in daacad iyo dar ilaahay la yahay, isla markaas waa in taariikhda iyo eedaha loo kuurgalo ee aan la iska qorin. Dhalliilihiisana waa in si xeeladaysan loo sheego ee aan nacasnimo iyo qunjuraaf maalin kasta lala soo taagnaan.

 

Akhriste kale oo ka mid ah dad qoraallo jawaabo ah ku faafiyey bogga internetka ee Somaliweyn.com oo ka mid ahaa bogaggii lagu baahiyey qoraalkii ahaa ”Ma taqaan Cabdiqaasim” waxaa magaciisa la yiraahdaa Ilyaas Maxamed Xuseen.

 

Qoraalkaas halkaan kuma wada qori karno maaddaama uu ahaa qormo dhan ee jawaab ah, waxaanse sheegaynaa in uu qoray qof si xad-dhaaf ah u jecel Cabdiqaasim oo si gooni ah u shinsanayey. Waxaan laga yaabaa in meeshii laga soo qoray uu Cabdiqaasim laftiisu fadhiyey asaga oo tiiraayaysan, waxaana yaab leh sida ay dadku qabyaaladda iyo xumaanta maskaxda ugu hayaan.

 

Waxyaalaha lagula yaabay qoraalkaas jawaabta ahaa waxaa ka mid ahaa in loo maleeyey in aannaan aniga iyo Cabdiqaasim isku beel ahayn, taas oo aan macne samanayn, waayo qabiil iyo qabyaaladi ummadda wax aan dhib ahayn kuma ay soo kordhiyaan. Isla markaas qofka marka taariikhdiisa la baarayo lagama fakaro heeshiisa iyo eheladiisa ee waxaa lagu dadaalaa sidii xaqiiqooyin la hubo loo heli lahaa.

 

Waajib kuma ay aha qofka soomaaliga ahi uu Cabdiqaasim la beel yahay, ee waxaa waajib ku ah in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto, oo uusan shacabka walaalaha ah dhibaato u geysan sidii Cabdiqaasim uu ardadii jaamacadda dhibaatada u dhexdhigay markii uu masuulka ahaa iyo sidii uu hantidii ummadda u boobay.

 

Soomaalida badankoodu qofka aragtidiisa fiican iyo cilmiga uu qorayo ma ay eegaan ee waxay ku qiimeeyaan qolada uu Rabbi ka dhaliyey, taasina waa iska axmaqnimo iyo xoolonimo, waayo qabiil dhammi isku aragti ma ay noqon karaan, oo waxaa maanta meel kasta ka buuxa dad ay Cabdiqaasim ilma adeer laxmi ah yihiin oo ku yaqyaqsada marka ay dib u soo xasuustaan noloshii xumayd ee uu soo maray iyo waxyaalaha uu imminka asaga oo cirroole ah ku dhexjiro.

 

Dadka soomaalida ahi heel kasta oo ay yihiin waxaa dan u ah in ay dawlad helaan, waayo bililiqo, suuqmadow, tuugnimo iyo daroogo wax faa’iido ah lagu gaari waa.

 

Waxaa qoraalkii Ilyaas ka mid ahaa in ay beelaha soomaalidu yihiin sida Yuhuudda iyo Falastiin! Anigu aragtidaas aad baan uga soo hortjeeda oo waxaan qabaa in aysan soomaalidu u kala fogayn sida labadaas qowmiyadood oo kun sano iyo dheeraad diin iyo jinsi isku colaadinayey.

 

Waxaas oo kale in ay Cabdiqaasim iyo dhawrka qof oo la joogaa ku hadlaan uma ay fiicna, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahaan ”Waa la doogune, yaan la dacaroon”. Ma markii taariikh run ah xoogaa laga taabtay bay xanaaq aan macne u kordhinayn Cabdiqaasim iyo martidiisu furka tuurayaan?

 

Saboolnimo iyo qabyaalad baa dadkeenna qasay ee waa dad isku qowmiyad ah oo in sidaas loo kala qoqobo, oo Yuhuud iyo Falastiin lagu metelo anigu lama qabo Cabdiqaasim iyo afarta agtiisa ku madoobaadey, oo sida xanaaqa ah uga jawaabey qoraalkii taariikhda ahaa oo lagu farxay, lagana faa’iidey.

 

Hal erey oo maqaalkii ka mid ah ma ay beenin raggii jawaabtaas soo qoray, waayo meesha kama ay muuqan wax la beenin karaa, oo waa taariikh ay dadkii goobjoogyada ahaa wada nool yihiin, oo ay meel kasta joogaan. ”Gashaanti aamuska ayaa lagu meheriyaa” ayey soomaalidu ku maahmaahaan, oo sababta loo waayey qof taariikhdaas erey ka mid ah ka doodaa waa in aan maqaalka qoray markii aan aad u baaray oo xaqiiqsaday waxyaalaha aan qoray dhammaantood.

 

Cali Shire Jaamac oo ah qoraa ay dadka internetka galaa malaha wada garanayaan ayaa markii uu qoraalkii taariikhda ahaa akhriyey wuxuu ii soo diray sidaan:

 

”Waxaan garan la’aa sababta uu Cabdiqaasim xagga siyaasadda mar kasta ugu fashilmo, oo uusan wax horukac ah u samayn ee uu had iyo goor u ceeboobo, laakiin arrintaas waxaa iiga jawaabey taariikhda oo sheegtay in uu Cabdiqaasim dumarka aad uga fakaro, waana halka ay soomaalidu kaga maahmaahaan ’Laabi labo u la’’ oo laga wado in uusan qofku ku guulaysan karin wax uusan hibo iyo karti u lahayn, oo ay niyaddiisu meel kale jirto”.

 

Cali Shire Jaamac wuxuu ka hadlay arrin cilmunafsi ah, wuxuuna u soo qaatay maahmaah soomaaliyeed, oo meesha ku habboon.

 

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se




Isaaq waa Dhul raadise tusiya in Dhulka ILAAHAY bixiy ee uuna INGIRIIS
bixiy.


Boqolaal Sano ka hor Imaatinkii Ingiriiska Dad Sool, Saag iyo Buuhoodle iska
lahaa oo uu ilaahay Dhulkaa.siiyey, Markii uu Ingiriisna Dhulkaa yimidna
Caleemo qoyan laguma soo dhawayn ee jab iyo halaag baa ka raacay waxaana uga dhintay sida Gabayada lagu hayo gabano badan, mar hadduu Ingiriis Cariga ka huleelayna Arintu ma ahan sida Isaaq uu maleeyey
ee ah dhaxal Ingiriis Isaaq baa iska leh.

La yaabse ma leh in Isaaq Arinta sidaas u qaato maxaa yeelay intii ay Dadka
deegaankaas daga ay Ingiriiska Halganka kula jiray waxaa Isaaq u suurto
gashay in ay Magaalooyin dhan intay Dadkii daganaa xasuuqeen xalaalaystaan sida Caynabo ka dhacday oo ay ka hadhay ooraahda tiraa „60jir dhulbahante iyo labaatanjir isaaq yey isku soo gaarin“., ooraahdaas oo ku tusaya waxa Magaaladaa ka dhacay.

Dhul u oomanayshaha Isaaqu kuma eka oo kaliya Casrigii uu Ingiriiska Cariga
joogay iyo wixii Caynabo ka dhacay ee Dagaalkii SNM ay Siyaad Bare kula
jirtay baa wuxuu ahaa Fursadii Labaad ee ay Isaaq Dhul aanay lahayn ku hantiyaan waxanaay Waqtigaa xasuuq kii Caynabo u dhigma ka sameeyeen Ciirigaabo oo ay Dadkii daganaa magaaladaa ka qixiyeen sidaasna ay Magaaladaas u
xalaalaysteen.

Haddaba sida Ooraahdaa dhahaysa „60 jir dhul Dhalhante iyo 20 jir Isaaq
yeyna Caynabo isku soo gaarin“ laga dhadhansankaro iyo Barakicinta taas ka
danbaysay ee Ciirigaabo ka dhacday waxaa cad in Isaaq aanu Somalilandnimo iyo Meel ku wada noolaansho iyo sida uu haddeer Dadka ku hurdaysiin rabo u socon ee uu Dhulbalaasi iyo Isirgowyn u socdo.

Waxayna Isaaq u hanqal taagayaan in ay Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyagoo
Siyaasad, Caga juglay iyo Calooshi u shaqaysteyaal adeegsanaya in ay sidaas
kula wareegaan iyo in markay taasi u hirasho ay soo cusbonaysiiyaan Ciribtirkii
iyo Xasuuqii ay Casrigaan Caynabo iyo Ciirigaabo ka sameeyeen.

Hadaba sida muuqata ma ahan Kismanyo oo kaliya meelaha Beesha Harte laga
Barokicin rabo ee Somaliland ayaa isu soo qaawisay in ay Maanta Sool iyo
Sanaag soloto, Saadanbana inta Puntland ka hartay birayso waxaana xaqiiq ah in ay Arintu tahay Ninkii dilay Walaalkaa Adina wuu kuu danleeyhay.

Arinta ay Isaaq wadaanse way ka gadisan tahay tan kismanyo maxaa yeelay
kismanyo meel dheer ma aadayso oo Somali bay ka mid ahaanaysaa Isaaqse in uu Dhulkaa la dhaqaaqo ayuu qorshaystay taas uuna Qof Qaranimada Somaliyeed aaminsan Qaadankarin in uu Qaran dumis u Qiil raadsho.

Si kastaba ha ku dhacdee Beesha Harti ayaad moodaa in ay noqotay Beesha
Dhulkooda, Dhalaankooda iyo Dumarkooda Maanta lagu tashado gaar ahaan
markaad fiirisid waxa min caynabo ciirigaabo ilaal kismanyo ka socda waxaana muuqata in lagu heshiiyey Cidii Dhul rabtaa Harti ha dharbaax.

Hadaba inkasta oo ay Harti Dhurwaaga ka dhafoor adagyihiin oo aanay
Dharbaaxo iyo Dhalaankooda oo la laayo iyo Dhulkooda oo la dhaco dhaqaajin, haddana tan Maanta Isaaq ku dhaqaaqay ee ay Dhalaankoodana ku Carbinayaan sida Sool Sanaag iyo Buuhoodle Somaliland baa leh waxaa cad in ay haddii aan Maanta taas laga hortagin in ay wixii ay Ciirigaabo iyo Caynabo ka sameeyeen soo nakhtiimayaan iyo in ay markay Sool iyo sanaag iyo Buuhoodle sidaas ku xalaalaystaan ay Bari Boosaaso, Garowe iyo Qardho u soo dhiganayaan, gaar ahaan markii la fiiriyo meesha ay Xadka ka dhigan rabaan oo Boosaaso 15km , Garoowe 8km, Qardhana 30km u jirta, taas oo keeni haddii Harti Labo u kala go´o in aanay Haweenka Maqaaloyinkaa daga aanay helin meel ay Xaabada ka soo gurtaan iyo in ay Isaaq Bari u sahlan tahay iyagoo kaashanaya qaab Dowladeed in ay Magaaloyinkaa miday doonaa cunaan.

Waxaana xaqiiq ah haddii uu Qorshaha Isaaq hirgalo in isu Socodka awada
dheer sidaas u sii socon doonin Dakada Boosaanan didaas u sii dihnaan doonin,
Magaaloyinka Garowe, Qardho iyo Boosaano sidaas baqdin alaan loo seexan
doonin, waxaana cad in haddii Arintaas Maanta Isaaq u hirgasho in ay Maanta Dadka Sool, Sanaag iyo buuhoodle daga tii Sabankaan Caynabo ka dhacday ka samato baxayn iyada oo Puntland inta ka hartayna ay taasi Bari sugayso, waxaana xaqiiq ah in ay Maanta Isaaq gujiyeen Meesha Puntland laga bireeyo, waxay wadaana ay tahay aynu Puntland Maanta Halbowlaha goyn iyagoo walib ka faa´idaysanay Hurdada iyo Hunguriga Harti waayahaan ku habsaday kana anbo qaadayaan in Inta Harti ay Soorto qaaday aanay Seefta Isaaq arkayn waxaa kale oo ay ka
faa´iidaysanayaan Dameenimada iyo Hebadnimada reer Puntland ku habsatay taas oo Gabay ahaan horay loogu sii sheegay sida Gabaygii ahaa „ Waaniman Damiin ah oo Qalbiga Daabac kaga yaal

Ma ahayn Maanta Markii uu bilowmay Dagaalka Maanta SSH ka aloosan ee wuxuu bilowmay Dagaalkaasi Markii ugu horaysay ee uu Erayga Somaliland soo baxay oo ay Isaaq sheegteen Dhul aanay u dhalan kuna doodeen in iyaga Dhulkaa Ingiriis siiyey iyagoo meesha ka saaranay in uu ILAAHAY Dhulkaa Harti siiyey sidaasna reer Puntland ku yihiin.

Somalidu waxay dhahaan haddii Shaatiga aad qabtad lagugu qabsado waa laga garbaxaa haddii aanse Gar la rabin oo Awood wax lagu goosan rabo, iyana
garteeda ayey leedahay waxaana cad in Puntland kas iyo maag loo soo maagay Awoodna wax lagu goosan rabo, Jabuutina Dagaalkan Dirawal ka tahay, Dagaalkuna kii Puntland lagu biraynayey yahay, haddii aan looga hortadin sidii loo soo qaaday.oo Isaaq waa Dhul raadis ee ha loo sheego in Dhulka ILAAHAY bixiy ee uuna INGIRIIS bixiy.

Mahadsanidin
jagne







Ku: Somaliland forum

Ka : Bulsho beesha degaanka SSC    Ee Abu-dhabi

 

Bismilaahi raxmaani raxiim.

 

Walaalayaalka waxan akhrinay bayaan furan ood u soo qorteen beesha oo ku wajahnayd madax dhaqameedada, ref no keeduna ah SLF/EC-0104/04.Marka hore waad ku mahadsantihiin wada hadalkan furan oo keeni kara is afgarad.

Waxa ka muuqda qoraalkiina arrimo door ah oo ay ka mid yihiin muqaal aad jeceshihiin nabad iyo walaaltinimo. Isla markaas waxa noo muuqda arrimo cad ood ka indho qarsanaysaan. Walaalayaal waxan nahay dad wada dashay oo nabad ku wada noolaansho iyo kaalmaba ka dhaxayso, ayna dani uugu wada jirto.

 Waxan jecelahay inaad ogaataan arrimahan :-

01-  Waxan nahay ummad reer Puntland ah oon marna aananu khilaaf geli Karin.

02-  Waxan nahay ummad wax la qaybsaday tolkood ka dib markii qabyaaladi burburisay dawladii dalka.

03-  Waxan nahay ummad yeelan karta mucaarad, sida aad imminka u leedihiin una lahaan jirteen dawladii hore.

04-  Waxan nahay ummad aan dhawr shaqsi metali Karin.

05-  Puntland ma aha Majeerteen balse waa maamul goboleed Harti.

06-  Ciidanka Puntland inay xaq u leeyihiin difaaca xaduuda degaankeeda.

 

Waxad sheegteen in odayaal reer Somaliland ahi fadhiyeen laascaanood muddo, ayna guul ka gaadheen arrimihii ay u tageen. Waa run inay beelo is hayay heshiis ka dhex sameeyeen balse waxad ogaataan in sida odayaashuba qireen Somaliland lahayd fidmada abuuristeeda. Arrinta kale ee casuumada Riyaale ma hayno xaqiiq , haddiise la helo casuumad madax dhaqameedadu u dhamaayeen ama u badnaayeen waa qiraal inay tahay qalad ay galeen raga ogaal la’aan qarsoodi ah ku sameeyay casuumada.

Waxan u aragna in Riyaale gardaro ku soo galay degaanka Puntland , ciidanka Puntland na guteen waajib xaq ah. Waxad xusteen dhamaadkii sanadka inad gargaar keenteen degaanka SSC, waxanse idiin sheegayna in dadku wada dhashay xaqna isugu leeyahay wax istar, balse aanay qurux lahayn caadatan iyo diiniyan in wax la baxshay la is xasuusiyo.

 

Waxad sheegteen in guryo laga saaray dad reer Somaliland ah, waxaydinse qirin in guryaha ummadu lahayd oo ay ka dhaxaysay oo qalad iyo aqoon xumo loogu jiray . Shacabka ciddii aanay rabin iyaga iska saara, cid aanay rabina ma iman karto, nabad iyo walaalnimana ahlan wa sahlan , taladiina iska saara askarta reer Puntland na waxan u aragna talo ka dhigan askarta somaliland ka saara Burco, Berber iwm.

Waxanu u aragna cidda colaada hurinaysa maamulka Hargeisa, haddaba haddaad nabad nala jeceshihiin ha la qabto maamulka taladiisa, yaana raga aad magacowdeen loo arkin ku metali kara dhulbahante.

 

Wabilaahi tawfiiq.

Axmed Maxamed Xasanqaal                        








Baaq ka yimi odayaasha iyo waxgaradka Beelaha dega Bariga Somaaliland Habarjeclo.




Ku dhamaan Salaadiinta iyo waxgaradka reer Somaliland.
Ku. Shacabka reer Somaliland
Ku:  Shacabka reer Sool, Sanaag, Buhoodle.
KU. Xukumada Reer Somaliland

Ujeedo: Codsi ka hortag dagaal sokeeyo oo dhexmara Gobolada bari ee Somaliland Wasiirka Horumarinta reer Miyiga Jamhuuriyadda  Somaliland Fu’ad Aadan ayaa BBC-da u sheegay in xalka xiisada ka aloosan labada maamul in looga bixi karo oo kaliya dagaal ay Somaliland ku soo qaado Gobolka Sool oo uu sheegay inay ciidanka Puntland isaga baxaan, haddii kale uu xalku yahay in xoog Milateri looga saari karo.
Anagoo tixraacayna warkii uu ka sheegay BBCda wasiirkku ayaa waxaanu halkan ka soo jeedinaynaa Baaq ku aadan  Colaad iyo dagaal laga huriyo degaanadaas.

Hordhac

Walaalayaal guud ahaan shacabka Somaliland waa dad walaala ah, waa wiil iyo abtigii, gabadh iyo Gayaankeed, gaar ahaana midka Soomaalida degan Somaliland  waa kuwo wadaaga xidhiidh taabanaya dhinacyo badan sida: Dhalashada, dhaqanka, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Ceelka iyo Daaqsinta IWM .

Hadaba siduu sheegay Maykal Maryama markii xadkan la jeexayey oo uu ku yidhi dowladii Ingriiska" waxaad xad kala dhexdhigaysaan labo nin oo walaalo ah, Hal iyo Nirigteed, suura gala ma'aha inay kala maqnaadaan" ayaa waxaanu maanta leenahay dadka Somaliland iyo Puntland waa saas uu Maykal Maryama sheegay oo ma kala maarmo, ee qabiil walba deegaankiisa qabiilada kale ha ku nabadgaliyo hana ku xurmeeyo. Dhaqanka Soomaalida ninka dhulkaaga jooga aduu magan kuu yahay, Magantuna waa lama taabtaan, ninkii Magantiisa bariin kariwaayana gabadhoodu gayaan ma qasho.

Ayadoo dadka Soomaaliyeed sidaas yahay ayey hadana kala leeyihiin deegaano, ku waasoo aad moodo inay ka duwanaatay maamulka Somaliland iyo Puntland oo maamuladoodu ka baxay xadkii Soomaalinimada,. Ka dib markii ay caadaysteen in ay iska horkeenaan dad walaalo ah oo wada dhashay sida Dhulbahaante iyo Habarjeclo kana suurto keli mayso Somaliland iyo Puntland arintaas ay wadaan.

 

Hadaba Anagoo ku hadlayna codka Habarjeclo ee ku nool Bariga Somaliland waxaanu kacodsanaynaa salaadiinta iyo wax garadka habarjeclo iyo Dhulbahaante in ay iska ilaaliyaan in colaada uu hurinaayo Daahir Riyaale iyo ninka uu ku shaqaysto ee Fuaad Aadan Cade.

 

Hadaba si midaas looga hortago waxaanu marlabaad kacodsanaynaa dhamaan Salaadiinta, waxgaradka iyo Cuqaasha beelahaas inay ka hortagaan falkan foosha xun ee ay wadaan maamulka Somaliland iyo Puntland si loo baajiyo colaad  dhexmarta dadka Soomaaliyeed ee dariska ah. Midaasoo ah mida ay  raadinayso Riyaale iyo colkiisu Anaguna aanu mudadii hore ka war wareegaynay.

 

Odayaasha Soo qoray Baaqan:

Cusmaan Yuusuf – Burco

Yaasin Jaamac haybe_Burco

Ina degaale Cabdi Xasan-Burco

Cabdilaahi Cusmaan xayd –Burco

 

Cabdifatah Cusmaan

Burco

Hure100@hotmail.com

   0 comments

Leave a Comment:

Name


Homepage (optional)


Comments